3702 Views

Daawo: Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kulan casho ah la yeeshay Xildhibaanada laga soo doortay Hirshabeelle

Daawo: Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kulan casho ah la yeeshay Xildhibaanada laga soo doortay Hirshabeelle
____________________________________________________________________________

Musharax Madaxweyne, Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kulan casho ah la yeeshay Xildhibaanada laga soo doortay Hirshabeelle

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in lagu tartamo dhamaada bishaan 1-aad ee 2017 ayaa waxa uu kulan casho ah ugu qabtay Hotel City Palace xildhibaanada laba aqal ee laga soo doortay Maamulka Curdanka ah ee Hir-shabeelle.

Kulanka Cashada ah ayaa inta badan waxaa ka hadlay xildhibaanadii kasoo qeyb galay oo ay kamid ahaayeen wasiirka amaanka Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Xildhibaan Cabdullahi Salaad Rooble, wasiiru dowladaha Maaliyadda, Cabdullahi Axmed Nuur, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, Xildhibaan Prof. Cismaan Maxamuud Dufle iyo xildhibaanno kale oo fara badan

Ugu horeyn Musharax Madaxweyne, Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa waxa uu ka hadlay u jeedka uu u sameeyay cashada isaga oo kadibna si kooban uga hadlay sababaha uu isugu sharaxay madaxweynaha dalka.

jibrill-xld-hirshabelle-1

“Soomaaliya waxa ay u baahantahay Samata bixin afarta ee soo socotana waxa ay ka muhiimsantahay 26-kii sano ee lasoo dhaafay. Codsi iiga yimid Soomaalida inteeda badan oo ah in aan xilkaan isu taago iyo damiirkeyga oo isiinaya in aysan aheyn xilli dalka lagu fiirsa karo dhibka uu jiro ayaa igu dhiirri gelinaya in aan u tartamo madaxweyne.” Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sidaasi ku sheegay Khudbadiisa.

jibrill-xld-hirshabelle-3

Musharaxa ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in baarlamaankii 9-aad laga dilay xildhibaanna badan kuwaas oo reerohoodii aan cid daryeeshay aysan jirin arintaas oo uu ku sheegay in ay tahay mid murugadeeda leh, waxa uuna ku amaanay xildhibaanadda naf hurnimada ah in iyaga oo mushaar joogta ah la siin hadii dhibaata gaarto aan laga warqabin hadana ay ku dhiiranayaan in ay dalka u shaqeeyaan.

Waxa uu kula dardaarmay in codkooda amaanada ah aysan ka bakheylin cidda u qalanta hogaanka dalka ayna ka qeyb qaataan samata bixinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

jibrill-xld-hirshabelle-5

“Annaga waxaa nahay dhalinyaro waxaa na anfacaya madaxweyne dhalinyarada diiradda Saaraya. Waa ku faraxsanahay in aad isi soo sharaxdo”, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Xildhibaan Cabdullahi Salaad Rooble ayaa sidaasi ku sheegay Khudbadiisa uu ka jeediyay kulanka ay yeesheen Xildhibaanada laga soo doortay Hirshabeelle iyo musharax Jabriil.

Wasiirka Amaanka, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa waxa uu madasha ka sheegay in Jabriil oo xilli dheer ay saaxiiba ahaayeen uuna ku yaqaanno karti iyo wax qabad in uu isi soo sharaxaahi ay tahay wax aad loogu farxo oo lasoo dhaweeyo.

jibrill-xld-hirshabelle-7

Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Nuur, ayaa isaguna waxa uu sheegay in ay ku jiraan xildhibaanadu xilligii ay indha indheyn lahaayeen hadba ciddii ay codkooda siin lahaayeen iyaga oo ka eegaya danta guud, waxa uuna soo dhaweeyay hadallo ku jiray khudbadda Jabriil oo ahaa in si fiican leesaga fiiriyo cidda lagu aaminayo hogaanka dalka oo aysan dhicin in lagu qaldamo cid aan hogaanka dalka u qalmin.

Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor oo kulanka cashada ah ee Musharuxu u sameeyay Xildhibaanada ka qeyb galay ayaa waxa uu la dardaarmay xildhibaanada, isaga oo u sheegay in ay kala doortaan shaqsi ay maanta waxyar ka helaan oo ay doortaan iyo hogaan dalkaan mustaqbalkiisa wanaaji kara in ay doortaan.

.

Halqaraninfocenter@gmail.com

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment