3816 Views

Prof. Jawaari oo helay taageerada xildhibaano badan oo taageersanaa Musharrax Shariif Xasan

Prof. Jawaari oo helay taageerada xildhibaano badan oo taageersanaa Musharrax Shariif Xasan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 9, 2017 – Xildhibaano ka mida taageerayaasha madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u wareegay dhinaca Musharax Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Wararka laga helayo saraakiisha ololaha Doorashada ee Jawaari ayaa sheegaya in tiradii ugu badneyd ay kasoo jabeen Shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaasoo hore u taageersanaa musharaxa xilka Guddoomiyaha ee Shariif Xasan ninka lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Xiddig.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii kala furfur ku yimid isbaheysigii Doorashada Shariif Xasan oo uu ka baxay madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed, waxaana xildhibaanada Digil iyo Mirifle ku dhowaad kala bar la sheegay inay hadda taageerayaan musharaxa Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Xildhibaanada ka soo jabay dhinaca Shariif Xasan ayaa uu arka Jawaari inuu ka fursad badan yahay Cabdirashiid Xiddig, isla markaana ay ka heli karaan xilal mustaqabalka dowladda la dhisi doono.

Musharaxa uu wato Shariif Xasan ee Cabdirashiid Xiddig ayaa hadda u muuqda in xaaladiisu ay ka sii dareyso oo fursadihii uu heystay ay aad u sii yaraayaan.

Musharax Xidig ayaa waxaa sidoo kale kasoo horjeeda qaar badan oo ka mid xildhibaanada beelaha Daarood oo doorashadiisa u arka halis ay ku weyn karaan xilalka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee beesha Daarood.

.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment