3684 Views

Murashaxa mudan in loo doorto afhayeenka golaha shacabka baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Murashaxa mudan in loo doorto afhayeenka golaha shacabka baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

January 10, 2017 – Fariin Muhim ah oo ku socota Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliyed.

Mudanayaal, qiimeyn aan in muddo ah ku sameynayey Murashixiinta u taagan xilka Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliyed, waxaa isoo baxday in Murashax Idiris Cabdi Takhtar uu Mudan yahay in loo doorto Afhayeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Waxaan qiimeyn-tayda ku saleyay 4 Arimood oo kala ah: 

Taarikhda Murashixiinta, waxqabadka Murashixiinta, waxa laga filan karo iyo kalsoonida ay ka haystaan degaanada ay matelaan iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyed. 

Sidaa darteed waxaan Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka Tobanaad ee 2017 — 2020, ugu baaqayaa inay codkooda siiyaan Murashax Idiris Cabdi Takhtar. Mudanayaal waxaad u dhaarateen inaad ilaalinaysaan Danta Diinta, Dadka, Dalka iyo Dastuurka, maanta idinka ayaa ummadda ugu wakiil ah. Golaha Shacabku waa Golihii Hal-beega sharciga iyo sharci-dajinta Dalka. Xildhibaano ogsoonaada in aad Masiirka ummadda idinku Gacanta ku heeysaan. Ummadda Soomaaliyed dal iyo dibad waayel iyo caruur, Shaqaale iyo Askar, Agoomo iyo Masaakiin waxey idinka sugayaan, in aad u doortaan, Mas’uuliyiin leh Daacadnimo, Caddaalad, Hufnaan, Karti, Damiir-diineed iyo mid wadani-nimo.

Murashax Idiris Cabdi Takhtar. Waa Murahaxa kaliya ee buuxiyay 4-ta qodob ee aan ku qiimeyay Murashixiinta uu taagan xilka Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliyed. Waa Murashax leh taariikh wanaagsan, waxqabad wanaagsan, leh shacbiyad oo kalsooni ka haysta shacabka Soomaaliyed, waa nin wadani ah oo jecel dadka iyo dalka, lagana filan karo wanaag badan iyo hoggaamin toosan.

Waa Murashax lasoo shaqeeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada. Waa nin aan isla weynayn oo jecel inuu la nolaado dadkiisa oo wuxuu daryeela Agoomaha, masaakinta, barakacayaasha iyo dadka gargaarka u baahan. Waa nin ay jecel yihiin dadka degaankiisa kalsooni badana ay ku qabaan.

Waa nin wadahadal la furi kara kooxda Alshabaab ee xooga ku leh gobolada Koonfur galbeed ee Soomaaliya, maadama uu saboolnimada kasoo horjeedo, shacbiyad wanaagsana uu ku leeyhay degaanka, taaso qeyb ka noqon doonta Amaanka Caasimada Muqdisho iyo Nabad gelyada Xildhibaanada. 

Murashax Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaan aqaanay muddo dheer, waa nin shaqo jecel, balse malaha sifaha laga rabo ruux hoggamiye ah mana buuxin 4-ta qodob ee aan ku saleyay qiimeynta Murashixiinta. Dhinaca kale waxay Shacabka Soomaaliyed badankiis rumeysan yihiin in Mudane Jawaari uu horey ugu soo fashilmay hoggaaminta Baarlamaanka. Mudane Jawaari waa Murashax aan taagero badan ka haysan guud ahaan Ummadda Soomaaliyed gaar ahaan dadka degaankiisa oo ay 95% kasoo horjedaan: Akhriso lifaaqa la socda emailka.

Xildhibaano Masuuliyadu idinka ayay idin saaran tahay inaad dalka u doortaan Madax wanaagsan, aniga Muwaadin ahaan waxaan idin ku darsaday fikirkayga iyo Aqoonta aan u leeyahay Murashixiinta oo ay suuragal tahay in aydan qaarkood Aqoon fiican u lahayn. Hadii aad rabtaan 4 sano oo la mid ah 4-tii sano ee lasoo dhaafay ama ka xun doorta Jawaari iyo Xidig midkii aad doontaan.

Hadiise aad rabtaan 4-sano oo Rajo, Nabad iyo Horumar leh doorta Murashax Idiris Cabdi Takhtar. Waxaan rajeynayaa inaad codkiina siin doontaan Murashaxa Mudaanta leh, oo aan anigu ku kalsoonahay inuu yahay

Murashax Idiris Cabdi Takhtar. idinka oo xusuusan dhaartii aad u dhaarateen Diinta, Dadka iyo Dalka.  Xildhibaankii fariintaan hela waxaan ka codsan inuu la wadaago Xildhibaanada kale.  Waxaan emailka ku lifaaqan.

.

.

Mahadsanidiin

Tixgelin,

Ahmed Nuur Arlaadi

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment