3216 Views

Prof. JAWAARI oo ku guuleystay markale xilka guddoonka Baarlamaanka

Prof. JAWAARI oo ku guuleystay markale xilka guddoonka Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 11, 2017 – Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka ee dalka ayaa ku dhawaaqay doorashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka in uu ku guuleystay Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo horey u soo qabtay xilkan afartii sano ee la soo dhaafay.

Tirinta codadka doorashada ayaa musharxiinta afarta qof ee xilkan ku tartamayay waxa ay kala ahaayeen Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu helay codad dhan 139 cod, halka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo helay 96, Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo isna helay labo cod, iyadoo ay qasaartay labo cod.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar ayaa markale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha baarlamaanka 10aad ee dalka.

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment