3033 Views

RW Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee la doortay

RW Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee la doortay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 11, 2017 – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawaari.

Mudane Carteh ayaa sheegay in gudoomiyaha cusub looga baahanyahay in uu dar-dar geliyo hawlaha Golaha Shacabka si goluhu u noqdo mid si dhab ah uga jawaabaya rabitaanka shacbiga.

“Maanta waxa aan guul taariikhi ah ka gaadhnay geedi socodka doorashooyinka ee soo socoday muddo ku dhow 6 bilood, gudoomiyaha cusub waxa aan ka dooneynaa in uu ka shaqeeyo dhammeystirka dastuurka, sarraynta sharciga dalka u yaala iyo wadajirka Baarlamanka Federaalka Soomaaliyeed”.

Dhanka kale, Maxamed Cumar Carteh ayaa Dadka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Golaha ka codsaday in ay la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub.

“Gudoomiyaha cusub waxa uu hogaamin doonaa hay’adda sharcidejinta, sidaa awgeed Dadka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanda Golaha Shacabka waxa aan ugu baaqayaa in lagu garab galo gudoomiyaha waajibaadkiisa Qaran ee la saaray si dhamaanteen aan u wada guuleysano”.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa ciidamada amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ku amaanay ugana mahad celiyay sida ay uga wada shaqaynayaan sugidda amniga doorashooyinka dalka.

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment