4257 Views

Jawaari, Muudeey iyo Mahad guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka

Jawaari, Muudeey iyo Mahad guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 12, 2017 – Xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa maanta loo doortay inuu noqday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Soomaaliya kadib doorasho ka dhacday xarunta baarlamanka.

Muudeey ayaa wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay ku tartameen isaga oo helay 165 cod, halka Faaraax uu ka helay 93 cod, sida ay muujineyso natiijo horduahac ah.

gd-bfsomaliya

Musharaxa guuleysanaya ayaa waxaa looga baahnaa inuu helo codadka 139 ka mid ah xildhibaanada baarlamanka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka ayaa waxaa isna loo doortay xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo sidoo kale xilka ka hayey baarlamaankii hore.

Mahad ayaa helay 170 cod, halka Cabdulqaadir Sheekh Cali Bagdaadi oo la tartamay uu helay 85 vod..

Guud ahaan 259 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa codeeyey doorashadii maanta, sida uu sheegay guddoonka KMG ah ee baarlamanka Soomaaliya.

.

.

Xigasho: VOA

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment