5667 Views

Yaa noqonaya Madaxweynaha Soomaaliya Guushii Jawaari kadib ?

Yaa noqonaya Madaxweynaha Soomaaliya Guushii Jawaari kadib ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 12, 2017 – Sadaaasha Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ayaa waxa ku yimid Isbedel muuqda, kadib, markii lagu soo baraarugay Nidaamkii ay ku dhacday Doorashaddii Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Federalka oo shalay lagu kala baxay.

Doorashadaasi oo ay 4 Murashax ku loolameen ayaa u muuqatay mid lagu kala baxay Wareegii 1-aad, iyadoo Guddoomiyihii hore ee BFS, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” xaqiiqsaday inuu mar kale hoggaamin doono Guddoonka sare ee BFS.

Dooradshadii shalay waxay ahayd mid Xisaabtan Siyaasadeed u leh Murashixiinta ku loolami doona Xilka Madaxweynaha cusub ee Somalia, waxayna guusha Prof. Jawaari daaqada ka saartay rajadii ay ku talamayeen dhowr Murashax Madaxweyne oo rumeysnaa in Prof. Jawaari laga guuleysan doono.

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka K/Glabeed, ahna Murashax Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaana quus-siyaasadeedkii ugu xumaa ee uu abidkiisa la kulmay ka qaaday dib-u-doorashadii Jawaari, isagoo Taageero iyo Kharaj ku bixiyey sidii uu ku soo bixi lahaa Murashax C/rashiid Maxamed Xiddig oo isagu Kaalinta 2-aad ka galay Doorashadii Guddoomiyaha BFS.

Hadal-haynta Shaxda Siyaasadeed ee ay Siyaasiyiinta iyo Bulshadda caadiga gorfeynayeen ilaa iyo shalay ayaa muujinaysa in dib loogu noqdo Saadaasha Xisaabtaanka Natiijadda laga filan karo Doorashadda xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS.

Dadka siyaasadda falaanqeeya ayaa rumeysan in guusha Jawaari naruuro u tahay Sii-haya xilka Madaxweynaha Somalia, Murashax Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga 100% u arka Fursad Dahabi oo mar kale lagu soo dooran doono, balse qolyaha ka soo horjeeda Hankiisa Xil-doonka waxay u arkaan inaysan jirin Fursad soo-noqasho Labaaley ah oo uu Murashax Xasan Sheekh dib ugu sii nagaan karo Madaxtooyadda Villa Somalia.

Khubarada gorfeysa Gorfeeyayaasha Siyaasadda ayaa rumeysan inaan Rajadda Xasan Sheekh laga soo qaadi Karin mid quus leh, marka la eego jihada ay ku socoto Dabaysha Doorashadda Hoggaanka cusub ee BFS.

Waxaana macquul ah inay wax badan isbedelaan marka lagu kala baxo Doorashadda G/xigeenka 1-aad iyo 2-aad ee BFS ee maanta lagu madalsan yahay.

Haddii uu Murashaxa Faarax Sh. C/qaadir ku soo baxo G/xigeenka 1-aad ee BFS oo ay 5-Murashax kale kula tartamayaan, waxaa hubaal ah inay taasi kor u qaadi doonto Rajadda Xasan Sheekh.

Faarax Sheekh oo loo arko jaalka ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Galaangal badan u geli doonaa inuu kasbado Aqlabiyadda ugu badan Xildhibaanadda BFS, si ay Codkooda ugu hiiliyaan Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qorshe kale ayaa qeexaysa haddii uu daadku qaado Faarax Sheekh in culayska la saaro Murashaxad Khadiijo Maxamed Diiriye si ay ugu guuleysato G/Xigeenka 1-aad ee BFS.

Waxayna Qorshe-dejiyaasha Ololaha Xasan Sheekh rumeysan yihiin inay xitaa taasi fududeyn karto Hiigsiga Xasan Sheekh ee Xilka Madaxweynaha 10-aad ee Somalia.

Sidaasi oo ay jirto, Saadaashaasi ayaa noqon karta Riyo-siyaasadeed lala matali karo Igar-maqaareed, waayo lama dhayalsan karo Murashaxiinta kale ee u taagan Xilka Madaxtinimadda Somalia.

Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ayaana u muuqata mid aan ku koobnaan doonin codadka Xildhibaanadda wax dooranayo oo keliya, balse la filan karo docdoceyn ka iman karto ilo dahsoon oo gudaha iyo dibedda ah, kuwaasi oo Masraxa gadaashiisa wax ka hagi doona.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan Murashaxee calafan doona Madaxtinimadda Somalia iyo Murashixiinta kale ee uu daadku qaadi doono?

.

.

Xigasho – Radio Dalsan

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment