5901 Views

Haaneedka Murtida ::: Kaduudiye kadeed mariyay 11 oday oo aroos ah !

Haaneedka Murtida ::: Kaduudiye kadeed mariyay 11 oday oo aroos ah !
____________________________________________________________________________

Waa Hinqaastii : Ali Abdi Ali Hoshow

Twitter: @AliHoshow

Email: alihoshow@gmail.com

Tolmoon, waa gabar joog dheer, muuqeeda la weheshado. Laguma cuno oo laguma cawryo iga dheh !

Waa gabar tol la’, sanado badan nin la’aan ku hoyatay aqal hoori ay biyuhu ku hooraan, waxa ay ku dhowdahay da’da khuusashada oo ah inay gablanto.

Tolmoon, kuma noola jawi huur leh , aqalkeeda waxaa ku yaalla laba geed oo midkood uu yahay gob ay quudato, kuna qubeysato, halka kan kale ay harsato xilliyada abaaraha iyo cadceedu kulushahay, inta badan waxa ay heshaa cimillo leh neecaaw iyo nafaxaat.

Tolmoon waxa ay habeenkii gashaa riyooyin hurda beeliyay, waxa ay iskula hadashaa in dayaxa ay u dirsatay sahan soo hubiya halka negaansho iyo deegaan ay ka dhigan laheyd !

Tolmoon waxa ay caan ku tahay socod wanaag, socodkeedu waxa uu ku arooraa deriska iyo dunida oo dhan, saan-qaadkeedu waa mid saameyn leh, waxaase ay la daalaa dhacdaa dabinnada loo maleego ee nasiib xumada u horseeday ee u diiday inay hesho gacaliye gayaankeeda ah oo duceysan, waxa ay ka cabataa marada duugga ah ee booreysatay ee ay huwato.

Tolmaan, waxaa lagu tilmaamaa sida geedka loo yaqaan higlo, oo ah geed weyn oo aan qodax laheyn , weligiisa cagaaran aaran iyo abaar, lehna miro la quuto.

Tolmoon, waxaa u soo martiyay seddex nin oo u baratamay si muuqata iyo si aan muuqan guurkeeda , waase guur aan loo aayin !

Seddexda nin waxaa loogu yeeraa Dhaansade , Malafsade iyo Kaduudiye.

Dhaansade, oo dadka qaarkii ay ugu yeeraan “Banki – mariye” waa dhaqaaq-joogle , socod yar oo hadba kol istaaga, kolna dhaqaaqa, hunguri weyn !

Dadka qaarkii waxa ay ku sheegaan nin dhaqaaqilyo ah oo si dhib badan lagu arki karo, lagulana kulmi karo, nuux nuuxsigiisu iyo dhaqaaqa howlqabadkiisu yahay mid kooban.

Waaga hadduu bidhaamo, waxa uu ku fikiraa inuu mariyo , baabi’iyo wixii u harsanaa Tolmoon.

Isma oga, waxa uu isku heystaa nin Tolmoon ka ilaaliyay deyro, diihaal iyo dayac, waa maqane jooge, hoos u dhaadhaca , dhanaansade ah !

Malafsade, oo dadka qaarkii ay ugu yeeraan “Goos-laqe” waa catuuti ku cayilay malafsiga gugubka digsiga looga kala tagay jikada, waa nin aan lagu aqoon dabacsanaan, waxa uu jecel yahay in Malagii dili lahaa u soo martiyo !

Waa sida danfadhi oo ah xoolo aan xera laheyn ! meel waliba waxa uu la dangiigsan yahay xil sheegad aan magac dhaafsiisneyn.

Malafsade, waxaa niyaddiisa ka guuxa qabweyni, waxa uu la hiraanhiraa xaasidnimo, socodka ayuu gabaa, waase uu kuf kufaa.

Kaduudiye, oo dadka qaarkii ay ugu yeeraan “Caana-nuug” waa kadeed ummadda loo soo diray, waxaa lagula dagaalamaa qubeys badan iyo saliid macsaro oo la isku duugo, waa digniine ha isku mudin cirbad.

Kaduudiye, waa cudur gaaf mareebaan ah, jilbaha dhulka u dhiga da’ yar iyo da’weyni intaba .

Kaduudiye, waa sida qof aan caqli laheyn , dabbaal ah , dhareerku ka daato , dad la dhaqankiisu xun yahay, ganfuur taag badan , cuqdadle ah.

Kaduudiye, waa sida qof aan dhug laheyn , waxaase hore loo yiri dhug u yeelo: “Guuleed ma joogaa ma aha hees !”.

Kaduudiye, waa sida qof isku arka inuu yahay ninka ugu caqliga badan dunida , balse dhex mushaaxa god gudcur ah oo masasku deegaansadeen.

Kaduudiye, waa sida qof col mooge ah, dhex qotoma goob goraygu ka hadaafay .

Kaduudiye, waxa uu kadeed mariyay 11 oday oo aroos ahaa oo ood-wadaag la ah Tolmoon, midkoodna waxa uu u i taal waayay inuu loodiyo xaaskii uu guursaday .

Odayaasha waa dhibanayaal, qaarkood waxa ay guur-guurad ku salaamaan, kuna dhunkadaan Kaduudiye !

Odayaashu waxa ay gacanta u geliyeen Kaduudiye wixii agab ah oo ay ku shaqeynayeen, iskuna difaaci lahaayeen, taasi oo ka dhigtay in uu ku fushado danihiisa gaarka ah, xitaa caruurta naas nuuga ah iyo haweeenka umula ayuu ka ooysiiyay, iskaba daa waayeel iyo walaal yar oo soo koraya!

Tolmoon oo ah edegga ay fadhiistaan dadka muhiimka ah ee waxgalka ah waxa ay la dhibtoontahay seddexdaasi nin ee socod baradka ah ee u soo martiyay oo midkoodna aan istaahilin inuu la hoydo, waxa ay si hoose isula hadashaa oo naf sasabid ah “ isma dhigan! hiil baan tebayaa”.

.

.

.

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment