3324 Views

Maxay Ahlu-Sunna ka tiri doorashadii gudoonka Baarlamanka Soomaaliya

Maxay Ahlu-Sunna ka tiri doorashadii gudoonka Baarlamanka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Galgaduud – January 13, 2017 – Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ayaa ka hadlay Doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna Cali Baashi Aadan Faarax oo ka hadlaayay Doorashada ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan Hanaanka ay u dhacday Doorashada.

Cali Baashi Aadan, waxa uu sheegay in ka garab ahaan ay aad u aqoonsan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku-xigeenka Koowaad iyo Labaad.

”Anagu wixii sharci ah kama soo horjeedno waxaan cadeyneynaa in Doorashada ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka ay aheyd mid u dhacday qaab cadaalad ah anaguna aan kalsooni ku qabno shaqooyinka ay qaban doonaan” Ayuu yiri Cali Baashi Aadan.

Cali Baashi Aadan, waxa uu intaa raaciyay in Ahlusunna aysan xaqiri karin qaabka ay Doorashadu u dhacday, waxa uuna tilmaamay in calaamadaha Cadaaladu ay tahay in laga badiyay raggii la saadaalinaayay inay guuleysan doonaan, oo uu kamid yahay Faarax C/qaadir.

Cali Baashi Aadan, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in isbadalka dalka uu saameeyo Hoggaanka hada Dalka ka arimiya.

Sidoo kale, Cali Baashi Aadan ayaa sheegay in Afartii sano ee lasoo dhaafay dalka uu u afduubnaa Kooxo gaara, balse iminka ay rajeynayaan in dalka uu galo xaalad degan.

Haddalka Cali Baashi Aadan, ayaa imaanaya xili maalmihii lasoo dhaafay Kooxda Ahlusuna ay sameysay Golo Baarlamaan.

.

.

Xigasho: Horumar Online

________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment