2817 Views

Wasiirkii Galmudug ee Xilka laga qaaday oo Guuleed ku tilmaamay inuu yahay Neef la gowracay!

Wasiirkii Galmudug ee Xilka laga qaaday oo Guuleed ku tilmaamay inuu yahay Neef la gowracay!
____________________________________________________________________________

Muqdisho – January 14, 2017 – Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xilka ka qaaday wasiirka arimaha Gudaha Maamulkaasi Jaamac Xasan Salaad, Kadib markii uu soo dhoweeyay Xilka Qaadistii Baarlamaanku ay ku sameeyeen Madaxawyne Guuleed.

Taasi ayaa loo tirinayaa in ay soo dadajisay xilka qaadista Wasiirka arimaha gudaha Galmudug.

”Waxay xil ka qaadista la igu sameeyay ku timid markii ay Golaha Wasiiradu soo dhoweeyeen Xilka qaadistii Guuleed” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka arimaha Gudaha Galmudug Jaamac Xasan Salaad ayaa sharci daro ku tilmaamay xilka qaadista uu guuleed ku sameeyay wuxuuna sheegay in Cabdikariin Xuseen guuleed uusan laftiisu xil hayn oo baarlamaanku ay kalsoonidii kala laabteen.

Wasiirka oo caro ka muutaqay hadalkiisa ayaa yiri, ”Soomaalidu waxay tiraahdaa, Neef La gowracay Rafasho kama Laabto, Cabdikariim Guuleed waa dhacay, Golihii Wasiiradu way dhaceen, Wax uu magacaabi Karo ma Jirto, Cid uu xil ka qaadi Karo ma Jirto”.

.

.

__________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment