3411 Views

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hir gelinta Doorashooyinka Dadban “SAWIRRO

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Oo Muqdisho Kula Kulmay Guddiga Hir gelinta Doorashooyinka Dadban “SAWIRRO
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 15,2017 – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, Guddoomiye ku xigeenka koobaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo uu wehliyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa maanta kormeeray xarunta guddiga hir gelinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayagoo guddiga kala hadlay dhameystirka doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddiga hir gelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal AVV Cumar Dhageey oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa warbixin ka siiyey Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya heerarkii kala duwanaa ay soo marsiiyeen hirgelinta doorasho dadban iyo maareynta kuraaska harsan waxaana uu dhinaca kale guddoonka ku wargeliyey in ay soo diyaariyeen habraaca loo marayo bedelka kuraasta hadii Xildhibaan geeriyoodo ama is casillo kaasi oo ah in dib loo qabto doorashada kursigaas.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyey kulanka ayaa ugu horeyn bogaadiyey shaqada guddigan ay soo qabteen, sidoo kalena waxa uu ammaanay iney soo raaciyeen habka loo marayo buuxinta kursiga la banneeyo waxaase uu ugu daray iney muhiim tahay in la cadeeyo in kuriga ay gabar ku fadhiday aan rag lagu bedeli karin in lagu muujiyo, sidoo kale waxa uu ka hadlay dhameytirka kuraasta muranka uu ka jiro ee Shanta ah oo uu xusay in ay biyo kama dhibcaan tahay in guddiga heer federaal howshaasi dhameystirkeeda ay mas’uuliyad ka saaran tahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo gebagebadii kulanka ka hadlay ayaa u mahad celiyey guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban heer federaal iyo heer dowlad goboleed, baarlamaannada dowlad goboleedyada, ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM waxaana uu dhanka kale u jeediyey codsi guddiga doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo cid kasta oo saameyn ku leh dhameystirka doorashooyinka dadban taasi oo ah arin saameyn ku leh doorashada Madaxweynaha dalka.

Kulankan ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey ee ay si wadajir ah Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka oo dhowaan la doortay ay ula qaataan guddiga doorashooyinka dadban waxaana ay bilow u tahay howsha loo ig maday Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka.

gud-barlamanka-gud-doorashada-1 gud-barlamanka-gud-doorashada-2 gud-barlamanka-gud-doorashada-3 gud-barlamanka-gud-doorashada-4 gud-barlamanka-gud-doorashada-5 gud-barlamanka-gud-doorashada-6

.

.

___________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment