3321 Views

Biseyl siyaasadeed – waa maxay isu soo dhawaanshaha musharaxiinta?

Biseyl siyaasadeed – waa maxay isu soo dhawaanshaha musharaxiinta?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 16, 2017 – Xasan C/qaadir Muudey oo xubin ka ah Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee PDP, ayaa soo dhaweeyay musharaxiinta Somaliyeed, ee Sabtidii bayaanka wadajirka ihi ka soo saartay Magaalada Kampala.

Marka hore waxaan soo dhawaynayaa musharaxiinta baaqa wadajirka ah ka soo saaray Magaalada Kampala ee dalka Uganda, kuwaa oo runtii muujiyay isu soo dhawaansho.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

Wuxuu sheegay isu soo dhawaanshaha musharaxiinta in ay muujineyso biseyl siyaasadeed, isagoo intaa ku daray in biseyl siyaasadeed looga gudbi karo marxaladda adag ee wadanku uu maraayo.

Isu soo dhawaanshaha murashaxiinta waxay muujineysaa biseyl siyaasadeed, waana midda keliya ee looga gudbi karo xaalka adag ee maanta uu dalka ku sugan yahay.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

Xasan C/qaadir Muudey, ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in wax wanaagsani ay tahay, in bulshada Somaliyeed loo muujiyo midnimo, xilli sida uu sheegay uu wadanku u baahan yahay midnimo, ay dadkiisu hiigsadaan.

Waa wax wanaagsan in shacabka Somaliyeed loo muujiyo isu duubni iyo Somalinimo. Dalku wuxuu u baahan yahay midnimo iyo wadajir, oo looga fadhiyo inay la yimaadaan dadka Somaliyeed.” Ayuu yiri Muudey.

Musharaxiintan, ayaa shalay soo saaray war murtiyeed ay uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka dalka, khilaafka siyaasadeed ee hareereeyay Galmudug iyo abaaraha ka jira qaybo ka mid ah gobolada dalka.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment