4386 Views

Maxaa sababay in Sh. Shariif iyo Faroole isbahaysi noqdaan?

Maxaa sababay in Sh. Shariif iyo Faroole isbahaysi noqdaan?
____________________________________________________________________________

Kampala | January 16, 2017 – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa wada-hadallo magaalada Kampala ku dhex maray Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Faroole, iyo is-baheysi la sheegay inay halkaas ku gaareen oo ku saabsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in labada musharax ay ku heshiiyeen in Shariif Sheekh Axmed la taageero, islamarkaana taa beddelkeed Faroole uu heli doono dhowr xil, haddii Shariifka uu madaxweyne noqdo.

Faroole ayaa taageerada xildhibaano ee uu haysto, oo u badan kuwo reer Puntland ah waxa uu ku wareejin doonaa Shariifka, waxaana Faroole uu heli doonaa laba xil oo muhiim ah oo ka mid ah dowladda cusub, haddii Shariifka uu guuleysto, kuwaas oo kala ah safiir iyo wasiir.

Faroole ayaa heli doona xil safiir oo aad u sarreeya, halka wiilkiisa Maxamed Cabdiraxmaan Faroole loo magacaabi doono wasiir ka tirsan dowladda cusub.

Wararka ayaa sheegaya in Faroole markii hore uu doonayey inuu heshiis isbaheysi la galo madaxweyne Xasan Sheekh balse uu ka door biday Shariifka.

Lama yaqaan haddii Faroole uu dareemay in Shariifka ka fursad wanaagsan yahay Xasan Sheekh iyo in tani ay ugu wacan tahay isaga oo aaminaad dheeri ah ku qaba madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Labada musharax oo ay wehliyaan Cabdi Faarax Shirdoon iyo Cabdinaasir Maxamed ayaa sabtidii saxaafadda usoo bandhigay waxyaabihii kasoo baxay shir ay ku yeesheen Kampala, hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah in taas lagu daboolay heshiiska qarsoodiga ah ee Shariifka iyo Faroole.

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment