4329 Views

Maxaad ka la socotaa Codadka Xildhibaanada uu heysto M/weyne Xasan!

Maxaad ka la socotaa Codadka Xildhibaanada uu heysto M/weyne Xasan!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 16, 2017 – Loolan adag oo siyaasadeed ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana habeenadii u dambeeyey ay ahaayeen kuwa aysan ladin ragga ku jira loolanka adag, sidaas oo kale waxaa meel sare gaaray codadka sida loo kala raadsanayo, iyadoo ay musharaxiinta sida weyn loo saadalinayo bixinayaan nooc kasta oo ay cod ku heli karaan.

Guddiyo kala duwan oo ka soo kala jeeda gobalada Soomaaliya ama beelaha Soomaaliyeed ayaa Musharax kasta u wada dagaalkii ugu dambeeyey, waxayna ciyaarayaan talaabo kasta oo ay codad ku dhacsan karaan.

Madaxweynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha ayaa la rumeysan yahay in uu ilaa hadda ugu cod badan yahay musharaxiinta Madaxtinimada ee Soomaaliya.

Ilo ku dhaw dhaw Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya 97 Xildhibaan uu hadda haysto, kuwaas oo aan ku taageereyn lacag, balse ay hory isku siyaasad u ahaayeen oo soo galay baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

Tiraddan waa midda ugu badan ee ay haystaan ragga u ordaya Madaxtinimada Soomaaliya, waxayna ka dhigan tahay in aan wali la gaarin qiimeynta Aqalka Sare ee dawladda Soomaaliya oo ah midka sida weyn isha loogu hayo.

Falanqeeyaasha Siyaasadda ayaa rumeysan in ay suuragal tahay in Xasan Sheekh Maxamuud wareega koowaad uga gudbo tirro dhan 125 Xildhibaan, waana kaligiis musharaxa sidaas loo saadaalin karro, iyadoo ay jiri karaan haddii la aado Wareeg labaad guushu in ay ka raacdo qofkii la garaa wareega ugu dambeeya.

Musharaxii doonaya in uu guuleysto wareega koowaad waxaa laga doonayaa Codad gaaraya 165 cod, taas oo ka dhigan in uu helay cod Hal dheeri ah, waana mid adag in la gaaro oo laga dhex helo baarlamaanka Soomaaliya, si kasta oo dadaal loo bixiyo.

.

.

Xigasho: Horumar Online

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment