5895 Views

Shariif Xasan: “Xildhibaanada Koonfur Galbeed balantii ayay nooga bexeen!

Shariif Xasan:  “Xildhibaanada Koonfur Galbeed balantii ayay nooga bexeen!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 16, 2017 – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu laabtay Magalaada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa uu ka hadlay Doorashooyinka Soomaaliya iyo rajadii beelaha Digil iyo Mirifle.

DHAGEYSO

Shariif Xasan ayaa sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed ay balanta uga baxeen, maadaama hamigiisa ugu sarreeya uu ahaa in Koonfur Galbeed ay hesho Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa dadaal u galay sidii uu Cabdirashiid Xiddig uga dhigi lahaa guddoomiyaha bqarlamanka, taasi oo beeshiisa siin lahayd xilalka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee guusha Jawaari ayaa taas meesha ka saartay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu sheegay in koonfur Galbeed ay waligeed wadi doonto isbedel lagu sameeyo kuraasta ugu sareysa ee dalka, taasina mar walba ay ku dadaali doonaan.

Ugu dambeyn, Shariif Xasdan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay doonayaan dalkan in ay u soo laabato Dowladnimadiisa, sharaftiisa, midnimadiisa iyo karaamadiisa, maadaama Soomaaliya ay ahaan jirtay Dowladaha Afrika ugu xoogga badan.

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment