6285 Views

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay guri iyo warshad lagu dhaqo Dollarka

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay guri iyo warshad lagu dhaqo Dollarka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 17, 2017 – Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa xalay xoog ku galay guri ku yaala Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, ka dib markii la sheegay in lagu dhaqo dollarka madow ee Mareykanka.

Ciidanka NISA, ayaa iska caabin kala kulmay koox ku sugneyd hoygaasi, iyadoona uu iska horimaadkaasi ku dhintay askari ka tirsan NISA, halka askari kalana uu ku dhaawacmay.

Ciidanka oo gudaha u galay gurigaasi, ayaa gacanta ku soo dhigay lix nin oo ku sugneyd. Ciidanka oo gacmaha iyo indhaba ka xir xiray raggan, ayaa ula dhaqaaqay mid ka mid ah xarumaha ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Taliska NISA, ayaa waxaa laga soo xigtay in intii ay ciidanka hawlgalkani ku guda jireen, in ay gacanta ku soo dhigeen warshad, ay raggaasi u adeegsan jireen dhaqista dollarka madow.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in hawlgalkaasi uu saamayn ku yeeshay deegaanka, isla-markaana uu dareen baqdin leh ku dhaliyay bulshada deegaanka.

Nin diiday in magaciisa loo adeegsado Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in Ciidanka NISA ay xireen wadooyinka soo gala gurigan, ka hor intii aanay iska caabinta kala kulmin lixda nin ee la soo qabtay.

Hay’adaha ammaanka, ayaa marar badan u dhacay dhismooyin ku yaala Caasimadda Muqdisho, iyadoo ay Maxkamadda Gobolka Banaadir horkeenayn eedeysanayaal badan. Shakhsiyaadka loo xukumo dhaqista dollarka madow, ayaa lagu xiraa Xabsiga Dhexe Xamar.

.

.

Xigasho: Horumar Online

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment