3546 Views

Gabar Soomaaliyeed oo kamid ah dadkii loo hayo weerarkii sanadka cusub ee Turkiga

Gabar Soomaaliyeed oo kamid ah dadkii loo hayo weerarkii sanadka cusub ee Turkiga
____________________________________________________________________________

Turkey | January 17, 2017 – Ciidamada ammaanka ee Turkiga ayaa xalay saqdii dhexe gacanta ku dhigay ninkii ay baadi goobayeen labadii todobaad ee lasoo dhaafay, ninkaasi oo ahaa kii fuliyay weerarkii lagu qaaday baar ku yaal magaalada Istanbul habeenkii sanadka cusub.

Weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda xagjirka ah ee Daacish ayaa waxaa lagu dilay 39 qof oo u badan ajaanib ay ku jiraan Carab dalxiis u joogay wadanka Turkiga.

Booliska ayaa sidoo kale xalay xabsiga dhigay 4 qof oo kale oo ay ku jiraan sadex haween ah oo la sheegayo in mid kamid ah ay tahay Soomaali, halka kuwa kalena ay kasoo jeedaan dalal Afrikaan ah sida Senegal.

Weli faah faahin lagama bixin xiriirka ka dhaxeeyey haweenkan iyo ninka weerarka ka geystay Istanbul oo la sheegay in markii lasoo qabanayey inuu sitay lacag aad u badan oo lagu sheegay in ka badan 100 kun oo dollar.

Waa markii ugu horeysay oo qof Somali ah loo qabto weerar argagaxiso oo ka dhacay gudaha Turkiga, waxaana la sugaya weli in maanta ay warbaahinta u soo bandhigaan xog dheeraad ah Saraakiisha baaritaanka wada.

Si kastaba,dadkan ayaa laga soo qabtay magaalada Istanbul, meel 40km u jirta halkii uu ka dhacay weerarka habeenkii sanadka cusub.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment