6750 Views

Gudoomiyaha Deegaanka Lafoole: “Gaadiidka Tiknikada AMISOM ayaa fariinka goostay”

Gudoomiyaha Deegaanka Lafoole: “Gaadiidka Tiknikada AMISOM ayaa fariinka goostay”
____________________________________________________________________________

Lafoole | January 17, 2017 – Haweeneyda Gudoomiyaha ka ah Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabellaha Hoose, Ayaan Xasan Xaaji, ayaa qiil u yeeshay Ciidanka AMISOM, ka dib markii ay sheegtay in farriinka uu ka go’ay gaarigoodii dadka laayay.

Mid ka mid ah kolonyo ay wateen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa gelinkii dambe ee Axadii si bareer ah u dulmaray gaari rakaab ka soo qaaday Degmada Afgooye, una waday Magaalada Muqdisho. Ciidanka Amisom waxay gaarigaasi ku dulmareen Deegaanka Calamada, oo ku yaala inta u dhaxeyso Lafoole iyo Xaawo Cabdi.

DHAGEYSO

Ayaan Xasan Xaaji, ayaa waxay muujisay Ciidanka AMISOM in si aan ku talla-gal ahayn ay gaarigaasi u dulmareen, isla-markaana ay diyaar u yihiin in ay mag-dhow siiyaan qoysaska dadkii ay dhibaateeyeen.

Ayaan Xasan oo wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa wax shil ah ku tilmaamtay gaariga AMISOM ee dulmaray mid ka mid ah gaadiidka caasiga, ee ka hawlgala wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Muumino Qaasim Abuukar oo gabar la dhalatay ku dhimatay falkaasi, ayaa sheegtay in Ciidanka Amisom ay si naxariis darro ihi u dileen dadkaasi, iyadoo intaa ku dartay inaysan xitaa dib u soo fiirin dhibanayaasha.

Saalax Xuseen Cali oo ah milkiilaha gaarigii ay burburiyeen Ciidanka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in aanay gadaal u soo fiirin rakaabkii gaariga saarnaa. Saalax wuxuu sheegay in Ciidanka AMISOM ay goobtaasi ku dileen ugu yaraan toban qof, tiro kalana ay ku dhaawaceen.

Tacadiyada AMISOM ku hayso bulshada Somaliyeed, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay isa soo taraayay, mana jirto cid si adag ugala xisaabtanta waxyeelaynta shacbiga Somaliyeed.

Dowladda Somaliya, ayaa waxaa la’ogyahay inaanay Taliska Amisom si dhow ugala xisaabtamin dhibaatada, ay askartoodu ku hayaan bulshada.

.

.

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment