3450 Views

Maamulka Koofur Galbeed oo ay kasocdaan mooshin ka dhan ah Shariif Xasan

Maamulka Koofur Galbeed oo ay kasocdaan mooshin ka dhan ah Shariif Xasan
____________________________________________________________________________

Baydhabo | January 18, 2017 – Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inay diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan uu meesha ka baxay hankiisii ku aadanaa u tartamida Hogaanka dalka.

84 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay inay diyaariyeen Mooshinka xilka looga qaadaayo Shariif Xasan iyaga oo ku eedeynaya inuusan wax ka qaban deeganada Maamulkaasi.

Xildhibaan Cismaan Maxamed oo ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed, sidoo kalena qayb ka ah xubnaha diyaariyay Mooshinkaan ayaa Warbaahinta u sheegay in tirada Xildhibaanada ay gaarayaan 84 Xildhibaan, suuragalna ay tahay inay intaasi ka sii bataan Xildhibaanada.

Mooshinka ayuu sheegay dhawaan inay kaga dhawaaqi doonaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, kadib marka Xildhibaanada ay ku xaadiraan Baydhabo.

Maya Mooshinka sidiisaba in aan uga dhawaaqno Muqdisho ma rabno, Baydhabo ayaan aadi doonaa, Meesha ayaana uga wada hadleynaa Mooshinka, 84 ruux ayaan mareynaa hada, Xildhibaano badan ayaa aragtidaan nala qaba oo qarkood wasiiro ay yihiin.” Ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Maxamed.

Xildhibaan Cismaan Maxamed, ayaa sheegay Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed inuu qoraayo 30 Xildhibaan inay Mooshin ka keeni karaan Madaxweynaha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa lagu eedeeyaa in howlaha Maamulka uu ka dhigtay mid kaligiis uu hogaanka u haayo, xilli ilaa hada Koonfur Galbeed aysan laheyn Madaxweyne ku xigeen.

.

.

___________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment