4974 Views

Sidee beelaha u kala qaateen jagooyinka guddoonka Aqalka Sare?

Sidee beelaha u kala qaateen jagooyinka guddoonka Aqalka Sare?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 19, 2017 – Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo diiwaangalinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Aqalka Sare.

Diiwaangalinta Musharaxiinta ayaa bilaabatay 17 bishaan iyadoo wakhtiga loo qabtay ay ku beegan tahay 19 oo maanta ku beegan.

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay inay qabteen arjiga Musharaxiinta islamarkaana ay u harsantahay keliya in loo gudbo dhageysiga Khudbadaha iyo qabashada Doorashada.

Guddiga waxa uu sheegay inaanu waxba iska bedeli doonin jadwalka islamarkaana Doorashadu ay dhici doonto 22 Bishaan.

Jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ayaa u muuqda in heshiis aan qorneyn laga gaaray sidii ay beelaha Soomaalidu u qaybsan lahaayeen, waxayna soo saareen Musharixiinta u sharaxan xilalka gudoonka aqalka sare.

Musharixiinta Gudoomiya Aqalka Sare

  1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi
  2. Mustafa Maxamed Qodax

Musharixiinta Gudoomiye ku xigeenka 1aad

  1. Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhegdheer)
  2. Xasan Faarax Xujaale
  3. Axmed Xaashi Maxamuud
  4. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar ( Goonjeex)
  5. Maxamed Axmed Maxamuud
  6. Cabdirisaaq Cusmaan Cali

Musharixiinta gudoomiye Ku xigeenka 2aad

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan
  2. Cusmaan Axmed Mocoow
  3. Iftin Xasan Baasto
  4. Fartuun Cabdulqaadir Faarax
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macallin Xasan

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha Aqalka Sare la siiyey beesha Dirta Waqooyi ama Isaaq, maadaama beelaha Hawiye, Daarood iyo Digil iyo Mirifle ay kala qaadanayaan saddexda xil ee ugu sarreysa dalka.

Labada guddoomiye ku xigeen ee Aqalka Sare ayaa waxaa kala qaadanaya beelaha Hawiye iyo Daarood, waxaana ka dhaxeeya tartan furan oo beeshii qaadata guddoomiye ku xigeenka koowaad maahee, tan kale ay qaadaneyso guddoomiye ku xigeenka labaad.

269 xildhibaan ayaa ilaa iyo hadda la soo doortay, waxaana guud ahaan xildhibaannada gollaha shacabka ka dhiman Lix kursi oo 5 ka mid ah dib looga soo dooranayo dowlad gobolleedyada, halka xildhibaanka soo harayna uu wali ku dhiman yahay beellaha gobollada Waqooyi.

Doorashada Gudoonka aqalka Sare ayaa lagu wadaa inay dhacdo 22-ka bishan Janaayo 2017.

.

.

.

___________Qaranimo Online_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment