3453 Views

Xasan Sheekh oo dalalka Carabta kala hadlay abaaraha dalka ka jira

Xasan Sheekh oo dalalka Carabta kala hadlay abaaraha dalka ka jira
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 19, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,  ayaa maanta Safiirada Wadamada Jaamacadda ee Somaliya kala hadlay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo ka mid ah Gobolada Wadanka.

Kulanka, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddiga Qaranka ee abaaraha iyo Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxaana si dhow looga hadlay abaaraha baahsan ee dalka ka taagan.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa Safiirada Jaamacadda Carabta ugu baaqay in Somaliya ka caawiyan xaaladda adag ee ka dhalatay abaarahan.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay kulankan, ayaa markale dadka Somaliyeed u diray farriin ah in kuwooda wax haysta ay u gurmadaan dadkooda dhibaateysan.

Gudoomiyaha Guddiga Qaranka ee abaaraha, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa sheegay in dhibaatada maanta ka jirta Somaliya looga bixi karo, iyadoo leeska kaashaday.

Diblomaasiyiintii Carbeed ee ka qaybgashay kulankan, ayaa sheegay in farrintan ay kaga timid dadka Somaliyeed, isla-markaana ay ka jawaabi doonaan.

Kulanka-Xasan-iyo-Carabta2 Kulanka-Xasan-iyo-Carabta3 Kulanka-Xasan-iyo-Carabta Kulanka-Xasan-iyo-Carabta1

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment