4947 Views

Majaajiliiste Cabdi Muriidi Ajakis oo lagu xiray magaalada Hargeysa

Majaajiliiste Cabdi Muriidi Ajakis oo lagu xiray magaalada Hargeysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 20, 2017 – Ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa xabsi dhigay Majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi ”Ajakis”.

Ciidamada ayaa Ajakis ka dhexqabtay Garoonka Hargeysa xili uu kusii jeeday magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka DDSI.

Ciidamada ayaa Majaajiliistaha u dhaadhiciyay Xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa iyadoo aan la ogeyn sababta ay Ciidamada u xireen Majaajiliistaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xariga Ajakis uu ka danbeeyay Muuqaalada ila qosolka ah ee laga diyaariyo Madaxda Soomaalida ee dhowr jeer laga sameeyay Hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Maamulka Somaliland wali kama hadal xariga Majaajiliistaha Caanka ah Ajakis oo si siman Madaxda Soomaalida uga sameeya Muuqaalada ila qosolka ah ee ka baxa Universal TV.

.

.

.

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment