3120 Views

Tartanka gudoonka Aqalka Sare oo bilowday

Tartanka gudoonka Aqalka Sare oo bilowday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 20, 2017 – Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, ayaa fiidkii caawa soo bandhigay Liiska Musharaxiinta loolanka ugu jira Xilalka Guddoonka.

Guddiga ayaa soo bandhigay Magacyada 16 Musharax iyo Xilalka ay u tartamayaan, waxa uuna Guddigu tilmaamay in Musharaxiintaasi looga baahan yahay Seddex oo kaliya.

Musharaxiinta lasoo bandhigay Liiska Magacyadooda ayaa kala ah:

Musharaxiinta Guddoomiyaha Aqalka Sare.

  1. Abdi Xaashi Cabdullahi.
  2. Mustaf Maxamed Qodax

Musharaxiinta Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

  1. Cabdi Axmed Dhuxulow
  2. Cabdirisaaq Cusmaan Cali
  3. Xasan Faarax Xujaale.
  4. Axmed Xaashi Maxamuud
  5. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar
  6. Maxamuud Axmed Maxamuud.
  7. Abshir Maxamed Maxamuud.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad.

  1. Iftiin Xasan Baasto
  2. Osmaan Axmed Macow
  3. Hodan Maxamuud Cusmaan
  4. Fartuun Cabdulqaadir Faarax
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan

Ugu dambeyn, Musharaxiinta 16-ka ah ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ah ay jeediyaan Khudbadahooda, halka 22 oo ku beegan maalinta Axada ah ay u diyaar garoobi doonaan Doorashada.

.

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment