5886 Views

Dab Khasaare Xoogan geystay oo ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha

Dab Khasaare Xoogan geystay oo ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 21, 2017  – Wararka naga soo gaaraya gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya dhismo ku yaal Suuqaasi inuu dab ka kacay.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka kacay Nawaaxiga Suuqa Cabdalla Shideeye, gaar ahaan Bakhaarada lagu iibiyo Bun qaxwaha oo mid ka mid ah dabkaasi uu ka kacay.

Qof ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa Horumar.com u sheegay dabka inuu ka dhashay Burjiko taalay goob Shaah lagu Iibiyo Bakhaarka Dabka uu ka kacay hortiisa.

Dadka qaarna waxa ay sheegayaan dabka inuu ka dhashay Koronto, iyadoo uu ku sii fiday dhismooyin ku dhaw Guriga Dabka uu ka kacay ee Suuqa Bakaaraha ku yaallo.

Dab damiska Shirkadaha Hormuud ayaa durba gaartay goobta dabka uu ka kacay, waxaana iminka lagu howlan yahay sidii loo damin lahaa dabkaasi kacay.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah goobta ugu weyn ee ganacsiga Soomaaliya, ma jirto taxadar laga muujiyo Korontada oo inta badan dabka uu ka dhasho iyo goobaha cuntada lagu kariyo.

.

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment