3918 Views

FAROOLE oo ka soo degay Muqdisho

FAROOLE oo ka soo degay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 21, 2017 – Murashaxa Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole, ayaa maanta ka soo dagay garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin iyo bulshada ku dhaqan caasimadda Somalia ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Intarnational.

Mr. Faroole, ayaa saaka kasoo safray magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya, halkaasoo muddo dhowr maalin ah ku sugnaa.

Mar uu saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in haddii uu ku guuleysto Xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu Mideyn doono dalka, sidoo kalena hormar la taaban karo gaarsiin doono Somalia.

Wuxuu kaloo sheegay go’aan yaba leh balse ah mid sax ah isaga oo sheegay inaanu marnaba lacag ku bixin doonin codadka xildhibaanada.

”Lacag laaluush ah kuma bixin doono doorashada Xilka Madaxweyne, sababtoo ah waxaan aaminsanahay in Shaqsi lacag ku iibsaday Kursiga, uusan Soomaaliya Hormar gaarsiin karin,” Ayuu yiri mudane Faroole.

Socdaalka Cabdiraxmaan Faroole, ayaa la xariirta arrimihiisa doorashada, waxaana la filayaa inuu kulamo kala duwan la yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

Sidoo kale, imaashiyaha murashax Faroole ayaa kusoo beegantay xilli maanta ay khudbado jeedinayaan mas’uuliyiinta u sharaxan guddoonka aqalka Sare.

Musharax Cabdiraxmaan Faroole, ayaa ah Xildhibaan ka mid ah Aqalka Sare Somalia, waxaana mudanayaasha maalinta bari ah dooran doonaan guddoonkooda oo ay u sharaxan yihiin 16 qof.

.

.

.

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment