2760 Views

Madaxweynaha oo hambalyeeyey Xilhibaanada Aqalka Sare iyo Guddoonka la doortay

Madaxweynaha oo hambalyeeyey Xilhibaanada Aqalka Sare iyo Guddoonka la doortay
____________________________________________________________________________

Muqdisho- 22 January 2017- Madaxweynah Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaanadda Baarlmaanka Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta doortay guddoomiye iyo ku xigeenadiisa koowaad iyo labaad.

Doorashooyinkii Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ee qabsoomay maanta, waxay muujinayaan sida dadka Soomaaliyeed ay ugu bisilaadeen siyaasadda leh hufnaanta iyo degenaanshiyaha. Waa tallaabo muhiim ah oo sahleysa horumar iyo horu-socod. Hambalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa koowaad iyo labaad ee la doortayay maanta , waa masuuliyiin khibrad u leh xaaladda Soomaaliya, kartina u leh hoggaaminta, waxaana Allaah uga baryayaa inuu masuuliydaas cusub la garab galo ” ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay musharaxiintii kale ee tartaranka ka qeyb gashay sida kartida dheeraadka ah ee ay u aqbaleen natiijada doorashadii guddoonka Aqalka Sare ee maanta dhacday.

Ugu dambeyntii, Madaxweynah ayaa mahad-celin iyo hambalyo u jeediyey guddoonkii KMG ahaa iyo guddigii doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlmaank oo si hufan ugu guuleeystay qabsoomida doorashada.

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment