3186 Views

Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray laba Shariif ee Magaalada Muqdisho?

Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray laba Shariif ee Magaalada Muqdisho?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 23, 2017 – Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Labada dhinac, ayaa waxay kulankoodan uga wada hadlaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii ay isu aragti uga noqon lahaayen is bedel ku yimaada Xafiiska Madaxtooyada (2017).

Shariif Sheekh Axmed, ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed weydiistay in uu kala shaqeeyo, sidii uu ku heli lahaa taageerada 77 Xildhibaan, oo Koonfur Galbeed ku metelaya Labada Aqal. (69 Aqalka Hoose iyo 8 Aqalka Sare) ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Horumar.com u sheegay Shariif Sheekh Axmed in uu ballanqaaday in Shariif Xasan Sheekh Aadan, uu u celin doono dhaqaalihii kaga baxay intii uu waday ololihiisii doorashada madaxtinimada dalka. Sidoo kale waxaa uu Shariif Sheekh Axmed uu saaxiibkiisii hore u ballanqaaday jegooyin muhiim ah, oo uu ka siin doono dowladiisa, waa haddii uu ku soo baxo’e doorashada.

Labada Shariif, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay isaga soo dhawaadeen labadii daraf, ee ay horey u kala jooggeen, iyagoona isla meel dhigay in siyaasad mideysan ku wajahan xerta Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxaa loo arkaa shakhsi galaangal xoogan ku leh Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, iyadoo Baydhabo lagu soo doortay 69 Xildhibaan oo Koonfur Galbeed ku metelaya Aqalka Hoose.

Shariif Xasan, ayaa 12-kii bishan laf dhaan-gashay ku noqday Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, oo isu soo sharaxay Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib markii uu ka carooday in Jawaari isu soo sharaxo Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Jawaari waxaa 11-kii bishan loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Prof. Jawaari in uu noqdo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa burburisay rajadii Shariif Xasan uu ka qabay in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama ay isu deegaan ka soo jeedaan.

Ugu dambeyn, Shariif Xasan, ayaa waxaa hadda u taala hawl ah in Xildhibaanada Koonfur Galbeed uu ka dhaadhiciyo, in ay taageeraan murashax Shariif Sheekh Axmed.

.

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment