5481 Views

Wasiirada Haweenka Maamulka Puntland “Puntland way isku filan tahay”

Wasiirada Haweenka Maamulka Puntland “Puntland way isku filan tahay”
____________________________________________________________________________

Gaalkacyo | January 23, 2017 – Maamulka Puntland ayaa ka hor imaaday ballanqaad uu dhawaan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh u sameeyay Gabar da’yar oo lagu kufsaday Degmada Goldob ee Gobolka Mudug.

Anisa C/qaadir Xaaji Muumin oo ah Wasiirada Haweenka Maamulka Puntland ayaa sheegtay in Gabadha la kufsaday aan arrimo dawo loogu qaadi doonin Magaalada Muqdisho.

Wasiiradu waxa ay sheegtay in Puntland ay ku filantahay daweynta iyo daryeelka Gabadhaasi waxa ayna arrin laga fiican yahay ku tilmaantay in Madaxweynaha dalka uu xujo ka dhigo in Gabadhaasi lagu daweeyo Muqdisho.

Wasiirada waxa ay sidoo kale sheegtay in marnaba aysan dhici doonin in Gabadhaasi arrimo dawo laagu qaado Muqdisho, Sida ay hadalka u dhigtay.

Dowlada Somalia ayey ugu baaqday inay gargaar iyo daryeel u fidiso Gabdhaha lagu faraxumeeyo Magaalada Muqdisho.

Haddalka Wasiirada ayaa imaanaya xili Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh lagu sheegay in Caafimaadka Gabadhaasi uu ballanqaaday Madaxweynaha.

.

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment