4767 Views

Fiqi: “Gabre ayaa u hanjabay Shariif Xasan, kuna qasabtay inuu taageero…”

Fiqi: “Gabre ayaa u hanjabay Shariif Xasan, kuna qasabtay inuu taageero…”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 24, 2017 – Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa natiijo uusan fileyn kala kulmay doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu kusoo baxay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, taasi oo meesha ka saartay rajadii uu ka qabay inuu madaxweyne noqday.

Shariifka oo baarlamanka ay ugu jiraan xildhibaano badan oo taageersan ayaa la rumeysan yahay inuu saameyn ku yeelan doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, ooh ore u ahaa taliyihii ciidamada NISA ayaa shaaciyay in Generaal Gabre uu qasbay Shariif Xasan inuu taageero madaxweyneXasan Sheikh Maxamuud oo doonayo inuu markale kusoo laabtaa xilka madaxweynaha dalka.

Axmed Macalin Fiqi, wuxuu sheegay in Gabre uu u hanjabay Shariif Xasan, taasinaha ay qasabtay inuu taageero u muujiyaa madaxweyne Xasan Sheekh

Wuxuu arrin la isku maxkamadeeyo ku tilmaamay in Shariif Xasan oo ah siyaasi saameyn ku leh Soomaaliya inuu la shaqeeyaa qof ajnabi ah, sida uu hadalka u dhigay.

Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa xiriir dhow la leh Generaal Gabre iyo dowladda Ethiopia, waxaana taasi ay dhalisay in lagu eedeeyo falalka qaar ee uu sameynayo.

Shariif Xasan, ayaa wuxuu heystaa xildhibaano badan oo baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, kuwaasi oo uu kula gorgortami karo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

.

.

Xigasho: Caasimada Online

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment