3633 Views

Khasaaraha dagaalkii ka dhacay Afgooye

Khasaaraha dagaalkii ka dhacay Afgooye
____________________________________________________________________________

Afgooye | January 24, 2017 – Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal fiidkii caawa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya, in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay labo jiho ka weerareen Degmada Afgooye oo Qiyaas ahaan 30km u jirta Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaal qaraar oo geystay khasaarooyin badan uu ka dhacay Saldhig Ciidamada Booliska ay ku lee yihiin Xaafada buulo-foolyo oo ku taalla Afaafka hore ee Degmada Afgooye.

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabab ayaa lagu soo warramayaa in ay soo jiireen Ciidamadii halkaasi Fariisinka ku lahaa, iyadoo ay gudaha u galeen degmada, waxaana u suura gashay in qeybo ka mid ah degmadaasi ay dagaal ay kula wareegaan.

Wararka ayaa sheegaya in 8 ruux oo sedex kamid ah ay yihiin asakar ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ku dhinteen dagaalkaasi, halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa ku jira dadka shacab ahaa, kuwaasi oo intooda badan ay rasaasta wiiftada ugu tagtay guryadooada.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Afgooye, Gashaanle dhexe Maxamed Amiin oo goor-dhow warbaahinta Muqdisho la hadalay sheegay in Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay dib ugu laabteen degmada Afgooye, isla markaana ay degan tahay xaalada.

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment