3438 Views

Odawaa uu ku fashilmay badbaadinta Madaxweyne Guuleed

Odawaa uu ku fashilmay badbaadinta Madaxweyne Guuleed
____________________________________________________________________________

Cadaado | January 24, 2017 – Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaliya ayaa ku fashilmay kala fur furida Xildhibaanadii xilka ka qaaday C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Odawaa oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Cadaado, ayaa isaga iyo Xildhibaano kale oo deegaanka ah waxa ay isku dayayeen inay kala fur furaan Xildhibaanada iyaga oo adeegsanaya dhaqaale iyo balan qaadyo ku aadan xilal Siyaasadeed.

Kulan shalay ka dhacay Magaalada Cadaado oo C/raxmaan Odawaa uu la qaatay qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa wuxuu kala kulmay waji gabax, kadib markii Xildhibaanada ay diideen inay ka tanaasulaan go’aankii ay xilka uga qaadeen C/kariin.

Odawaa oo saaxiibo dhaw ay yihiin C/kariin Xuseen Guuleed ayaa doonaya in saaxiibkiis aanan laga saarin saaxada Siyaasada Somaliya, inkastoo C/kariin uu si cad ugu fashilmay hogaaminta Maamulka Goboledka Somaliyed ee Galmudug.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ka mid ah Xubnaha xilka ka qaaday C/kariin Guuleed ayaa sheegay in Odawaa uu doonaayo inuu laaluusho Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, balse arintaasi ay u socon weyday.

Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, ayaa dhinaciisa isku dayaya Xildhibaanada ay isku haybta yihiin ee ku jira kuwii xilka ka qaaday Guuleed inuu laaluusho.

Carabey ayaa kulan qado ah ugu yeeray Xildhibaanada Beeshiisa ee C/kariin ka soo horjeeda wuxuuna u sheegay inay ka noqdaan aragtida ay xilka uga qaadeen Guuleed, balse arintaasi waa ay ka soo horjeesteen Xildhibaanada.

Sida muuqata Xildhibaanada Galmudug oo ka duulaya shaqo xumida Guuleed, waxa ay ku adkeysteen go’aankii ay xilka uga tuureen, kaasi oo waafaqsan Dastuurka Maamulka Galmudug.

Ugu dambeyn, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku fashilmay Maamulka Galmudug, wuxuuna shaqadiisa ka dhigtay inuu u olaleeyo Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.

.

.

.

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment