3003 Views

Xiisad ka taagan xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan ciidamada Jubbaland

Xiisad ka taagan xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan ciidamada Jubbaland
____________________________________________________________________________

Kismaayo | Janaury 24, 2017 – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in magaaladaasi ka taagan tahay xiisad ka dhalatay xukun maxkamada ciidamada Jubbaland ay ku riday Askari ka tirsanaa ciidamada IlaaladaMadaxtooyada Jubbaland.

Xukunka askarigaan ayaa wuxuu yimid, kadib markii qof shacab ah uu ku dilay Khamiistii Magaalada Kismaayo, iyadoo isla maalintii xigtay ee Jimcaha aheyd Maxkamada ciidamada ay dil ku xukuntay askarigaasi.

Askar ku hayb ah askariga xukunka dilka ah lagu xukumay, ayaa ka carooday falkaasi, kuwaasi oo qaab qabiil isku aruursaday Magaalada Kismaayo, islamarkaana hada ay ku sugan yihiin Xaafado ka tirsan Magaalada.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa Horumar.com u sheegay inay wadaan waan waan ku aadan sidii askarta careysan loogu qancin lahaa xukunka maxkamada inuu yahay mid sharciga waafaqsan.

Askarta is aruursatay oo ay isku qabiil yihiin askariga xukunka lagu riday ayaa doonaya in laga noqdo xukunka dilka ah ee askarigaasi lagu riday, maadaama ciidamada Jubbaland uu ka mid yahay muddana uu soo shaqeynaayay.

Dadka reer Kismaayo ayaa hadal haayo xiisada ka taagan Magaalada Kismaayo ee salka ku haysa askarigaasi xukunka dilka ah maxkamada ciidamada Jubbaland ay ku riday.

Ehelada marxuumka horay uu u dilay askariga ayaa soo dhaweeyay xukunka dilka ah ee maxkamada ciidamada Jubbaland ay ku riday askarigaasi, maadaama si bareer ah uu u dilay wiilkooda.

.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment