3447 Views

Xildhibaan Bakar: ”Waxaa naga go’an dedejinta Doorashada Madaxweynaha”

Xildhibaan Bakar: ”Waxaa naga go’an dedejinta Doorashada Madaxweynaha”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 24, 2017– Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay dedejinta hanaanka Doorashada Madaxweynaha Somaliya.

Ilaa hada ma cadda xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Somaliya, inkastoo ay soo dhamaadeen Doorashooyinka kale ee la lamaansanaa tan Madaxweynaha.

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta oo Tallaado ah soo saaraya Guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada Aqal ee dalka, kuwaasi oo ka shaqeyn doona Diyaarinta nidaamka Doorashada Madaxweynaha dalka.

Xildhibaan Maxamed Nuuraani, ayaa sheegay inay dareemayaan shacabka inay doonayaan dedejinta Doorashada Madaxtinimada dalka.

“In waxan la dedejiyo shacabkeennu waa rabaa, Baarlamaankiina waa rabaaa, deg degga ma maalinbaa ma labaa,ma isbuucbaa, guddi ayaan u saareynaa haddii Alle idmo, sida ugu dhakhsiyaha badan in arrintaasi dhacdo oo Madaxweyne la doortay, shaqaa socota, waa naga go’an tahay in doorashda ay dhacdo sida ugu dhakhsiyaha badan.” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Shacabka Somaliyed ayaa si weyn u sugaya maqalka xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxtinimada Somaliya oo ay u taagan yihiin Musharaxiin kala duwan.

Doorashada Somaliya ayaa ka duwan tii sanadkii 2012-ka oo dalka ka dhacday xilligii loogu talo galay, balse midaan waxaa jira dib u dhacyo badan oo Beesha caalamka xitaa ay walaac ka muujisay.

.

.

Xigasho: Horumar Online

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment