4275 Views

Xog-warran: Maxaa wiiqay awoodii iyo saameyntii siyaasadeed ee Puntland?

Xog-warran: Maxaa wiiqay awoodii iyo saameyntii siyaasadeed ee Puntland?
____________________________________________________________________________

Boosaaso | January 24, 2017 – Markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ra’iisul wasaare ka dhigay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maamulka Puntland waxay ku billaabeen dagaal siyaasadeed iyo cadaadis beesha caalamka oo ay gadaal ka riixayaan, kaasi oo ugu dambeyn qasbay in Farmaajo xilka ka tago laguna beddelo Cabdi Weli Gaas.

Labadii dowladood ee ugu horreysay ee Xasan Sheekh waxaa kala hoggaaminayey Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo labaduba ka dhashay beesha Mareexaan. Intii ay xilka hayeen, dowladda iyo Puntland waxaa ka dhex oognaa dagaal siyaasadeed oo aan dhammaad lahayn.

Waxay xiisaddu qabowday markii Cumar Cabdirashiid ra’iisul wasaare loo magacaabay, wixii ka dambeeyeyna dowladda waxay u muuqatay inay aad isugu soo dhowaadeen Puntland.

Puntlad waxay mar wlaba rumeysan tahay in jagada ugu sarreysa ee kusoo aadeysa beesha Daarood ay ayada xaq uga leedahay beelaha kale, waana taas sababta dowlad kasta oo aannu ku jirin qof reerkaas ka socda ay dagaal siyaasadeed ugu qaadaan.

Si ay Puntland usii dheereysato saameynta ay ku dhex leedahay dowladda, waxay soo hindistay Aqalka Sare, ayada oo qorhuhuna ahaa inay hesho guddoomiyaha Aqalkaas, sidaas darteedna ay usii weynaato saameynta ay ku leedahay dowladda.

Qorshahaas ayaa fashilmay, markii maamul goboleedyada, dowladda dhexe iyo beesha caalamka isku raaceen in jagadaas la siiyo beesha Dir Waqooyi, sidaasna Puntland meel cidlo ah ugu soo dhacday.

Waxaa xigay in Puntland loolan u gashay jagada guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare, ayada oo soo sharaxday Cabdirisaaq Jurille, hase yeeshee waxaa xilkaas ku guuleystay Abshir Bukhaari oo ah Saleebaan/Habar-Gidir/Hawiye.

Jurile lagama adkaan kaliya ee xitaa wuxuu soo dhaafi waayey wareegga koowaad, inkasta oo ay jirto in Puntland ay Aqalka Sare ku leedahay xildhibaanada ugu badan.

Waxay tani astaan u noqotay saameynta siyaasaddeed ee Puntland ee sii wiiqmeysa, balse su’aashu waxay tahay maxaa ugu wacan?

Reer Puntland waxay aaminsan yihiin in Cabdi Weli Gaas yahay nin aad u jilicsan, islamarkaana aad ugu dhow Xasan Sheekh taasina ay dhalisay in Puntland ay ka hoos martay maqaamkeedii. Hase yeeshee dadka siyaasadda fallan-qeeya, gaar ahaan kuwa Muqdisho joga waxay sababeynayaan dhowr arrimood oo kale oo ay ka mid yihiin:-

1 – Ku taagnaanshaha dowladda iyo muranka joogtada ah oo Puntland u abuurtay cadaawad ay u qaadaan beelaha kale iyo maamul goboleedyada kale.

2 – Puntland oo aan inta badan adeegsan diblomaasiysad iyo siyaasad si u kasbato beelaha iyo maamulada kale, balse isku dayda in mar walba ay hanjabaad iyo khilaaf wax ku raadiso.

Xusuusnow lama joogo iminka, markii dalka ay ka jireen kaliya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland. Waxaa hadda abuurmay afar maamul oo kale oo dheeraad ah, sidaa darteedna khilaaf kasta oo Puntland ka yimaada wuxuu sii dhaawacayaa sumcadeeda, kuna ifinayaan tooshka beesha caalamka iyo Soomaalida kale.

Haddii Puntland aysan la iman siyaasad ku dhisin diblomaasiyad, waxaa dhici doonta in xilka madaxweynaha ay waayaan, islamarkaana haddii madaxweynaha xiga uu mar kale noqdo Hawiye uu ra’iisul wasaaraha siiyo beelaha kale ee Daarood, taasi oo macnaheedu yahay in Puntland oo ah maamulka ugu faca dheer, uguna degan maamul goboleedyada aysan midna ka helin afarta xil ee ugu sarreysa dalka.

.

.

W/Q: Yaasiin Axmed Cabdiraxmaan

Boosaaso, Soomaaliya

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment