3075 Views

Madaxweynaha oo cambaareeyey weerarkii Waxashnimo ee argagixidada

Madaxweynaha oo cambaareeyey weerarkii Waxashnimo ee argagixidada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 25 Janaayo 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cambaareeyey weerarkii waxashnimada ee saaka argagixisada ka fuliyeen Hotel Dayax ee magaalada Muqdisho , halkaas oo dad u badan shacab ay ku shahiideen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadkii maanta shahiiday ay noloshooda qaaliga ah ku waayeen iyagoo dalkooda iyo shacabkooda u adeegaya, isagoo Allah uga baryey inuu naxaristii janno ka waraabiyo, qoysaskii, eheladii iyo shacabka ay ka geeriyoodeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha ayaa Ilaahay uga baryey dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi waxashnimada ah inuu deg-deg caafimaad buuxa u siiyo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha waxaa uu farey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro argagixisada oo damacoodu yahay in ay carqaladeeyan horumar ka socda dalka.

.

.

___________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment