3228 Views

Cali Geedi ugu Tanaasulay musharax kale – Sabab?

Cali Geedi ugu Tanaasulay musharax kale – Sabab?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 26, 2017 – Musharax Cali Maxamed Geedi, ayaa la xaqiijiyay inuu ka tanaasulay Musharaxnimadiisa, kadib markii ay wadahadal galeen Musharaxa Cabdi-qaadir Cosoble.

Munaasabada uu Cali Geedi ku shaacin doono tanaasulkiisa ayaa iminka ka socta Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, waxaana guubta ku sugan Musharaxa Cabdiqaadir Cosoble iyo Musharaxiin kale.

Mr. Geedi ayaa tanaasulkaasi u sameynaaya C/qaadir Cosoble oo ay isku jufo yihiin, Maadaama ay soo dhawaatay xiliga Doorashada Heerka Madaxweyne oo dhici doonta Bisha February.

Cali Geedi ayaa la filayaa inuu Musharax Cosoble ka taageeri doono Ololihiisa Murashaxnimo, iyadoo uu Murashaxaasi ka mid yahay Murashixiinta ugu cadcad ee Tartanka Doorashadda.

Sidoo kale, Musharax C/qaadir Cosoble ayaa sannadkii 2012-ki ka mid ahaa Murashixiintii ku tartantay xilka Madaxweynaha ee uu ku guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, musharaxiin dhowr ah ayaa lagu wadaa inay ka tanaasulaan hankooda Musharaxnimo waxaana suuragal ah in 25 Musharax ay kasoo haraan 9 Musharax oo kaliya.

.

.

.

___________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment