2991 Views

Guddoomiye Jawaari oo fariin adag u diray Musharaxiinta

Guddoomiye Jawaari oo fariin adag u diray Musharaxiinta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 26, 2017 – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ka hadlay is diiwaangalinta Musharaxiinta heerka Madaxweyne ee loolanka ugu jira Hogaaminta dalka.

Prof. Jawaari oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Musharaxiinta uu uga digaayo inay dayacaan fursada is diiwaangalinta.

Guddoomiye Jawaari, waxa uu ka digay in Musharaxiinta ay dayacaan Jadwalka is diiwaangalinta iyo guud ahaan kan doorashooyinka.

Prof. Jawaari, waxa uu sidoo kale, arrin muhiim ah ku sheegay in Musharaxiinta ay aqriyaan xeer hoosaadkii loo qeybiyay oo ay ku qoran yihiin Shuruudaha laga rabo Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

”Musharaxiinta waxaan u sheegeynaa inay ilaaliyaan Jadwalka is diiwaangalinta, Musharaxii uu ka dhaco wakhtiga Doorashada mala diiwaangalin doono waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo xiliga is diiwaangalinta”, ayuu yiri Jawaari.

Dhinaca kale, Jawaari ayaa Guddiga Doorashada Madaxweynaha ugu baaqay in ay u shaqeeyaan si hufan ,islamarkaana ay ilaaliyaan Jadwalka Doorashada.

 

.

.

.

Xigasho: Horumar Online

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment