3189 Views

Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Nairobi Uga Qeybgalay Shir Ku Saabsan Wax Ka Qabashada Abaaraha Dalka

Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Nairobi Uga Qeybgalay Shir Ku Saabsan Wax Ka Qabashada Abaaraha Dalka
____________________________________________________________________________

Nairobi | January 25, 2017 – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir ku saabsan wax ka qabashada abaaraha ka jira gobollada dalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ku wehliyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya,Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka,Xildhibaanno ak tirsan Golaha Shacabka, mas’uuliyiin ka kala socotay dowlad goboleedyada dalka ka jira waxaana kasoo qeybgalay sidoo kale wakiillo ka socday hay’adaha deeq bixiyeyaasha caalamka iyo safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Nairobi.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye kux xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo Saxaafadda kula hadlay Nairobi shirkaasi kadib ayaa tilmaamay in xaaladda iyo saameynta abaaraha ee dalka ay yihiin kuwo xoogan sidaasi darteedna ay tahay in loo midoobo sidii gurmad deg deg ah lagu gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu ku saameysay gobollada Dalka.

“waxaan bilaha soo socda ayadoo doorashooyin lagu jiro, ayadoo xaalado siyaasadeed lagu jiro aanu u muujinay isla xisaabtan adag uu jiri doono, dowladda federaalka ama dowlad goboleedyada ha ahaato in dhankeenna ay ka jirto xaalad mideysan oo ku saabsan abaarta,waxaan u jeedinay deeq bixiyeyaasha iney dadaalkooda laba jibbaaraan, hay’adaha farsamo ahaan dalka ka shaqeeya iyo guddiyada heer qaran ama heer dowlad goboleed ee gurmadka loogu talagalay ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu howlgallo”ayuu yiri Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa uu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay joogaan oo ay ugu horeeyaan ganacsatada,qurba joogta iyo bulshada rayidka in dhexda loo xirto sidii dadkeenna loogu wada gurman lahaa inaga oo mideysan.

 

.

.

____________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment