3072 Views

Dhageyso: Musharax Faroole: ”Muqdisho waa magaalo ay degan yihiin qolo gaar ah, laakiin waa…”

Dhageyso: Musharax Faroole: ”Muqdisho waa magaalo ay degan yihiin qolo gaar ah, laakiin waa…”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 27, 2017 – Musharax Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho, ay ahaan jirtay magaalo Somaliyeed oo la wada leeyahay, balse lagu kala guuray.

DHAGEYSO

”Magaalada tanna hadde magaalo waxay ahayd Soomaaliyeedow la wada degan yahay, oo magaalo qaran bay ahayd, laakiin waa lagu kala guuray. Hadda cidaa u badan.” Ayuu yiri C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud.

Faroole oo xalay casho sharaf loogu sameeyay Xarunta Dowladda Hoose Xamar (Visha Governo), ayaa sheegay haddii la rabo in lagu soo noqdo Magaalada Muqdisho, loo baahan yahay in dadka guryaha looga haysto dib loogu celiyo.

”Haddii la rabo in la soo wada deggo, caawa anaga waxaan u qaadanay soo dhaween, waa magaalada soo degga, oo imaada. Marka dhulkiina waa nala siinayaa, inteena ninkii guri ka maqnaana waa loo celinayaa, waala siinayaa bay ila tahay.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Musharrax Faroole, ayaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) ku bogaadiyay, in uu ka shaqeeyo, sidii dadka loogu celin lahaa guryahooda.

 

.

.

___________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment