3744 Views

Dhageyso: Xiriirka guddiga doorashada madaxweynaha iyo Villa Soomaaliya muxuu yahay?

Dhageyso: Xiriirka guddiga doorashada madaxweynaha iyo Villa Soomaaliya muxuu yahay?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 27, 2017 – Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa meesha ka saaray in wax xiriir ahi ay la leeyihiin Madaxda Dowladda Soomaaliya, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay murashax u taagan jegada madaxtinimada dalka.

DHAGEYSO:

Mar uu guddoomiyuhu la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa wax laga weydiiyay kalsoonida lagu qabi karo in aanay u xiglin doonin dhinaca Villa Soomaaliya, ayuu sheegay inaysan wax shaqo ah isu lahayn dowladda.

“Anagu dowladda ma nihin, dadkii shacabka soo doortay baan nahay, ka soo qaad inaan shacabkii nahay anagu. Shacabkii iyagu codayn lahaa ee madaxweynaha u codayn lahaa, inagaa dooranay in nidaamkeenu uu noqdo mid baarlamaan. Markaa dowlad ma nihin inagu, shacabkii baan nahay, waxaan dooranaynaa anagoo meteleyna shacabkii Somaliyeed madaxweyne. Markaa shaqo isuma lihin dowladda.” Ayuu yiri Gudoomiye Bayle.

Dr. Bayle oo la weydiiyay su’aal ahayd in doorashada madaxweynaha aysan ka dib uga dhici doonin, xilligii ay shalay iclaamiyeen Guddiga Doorashada (8-da February), maadaama marar badan ay doorashadu dib uga dhacday, waqtiyadii horey loogu muddeeyay, ayuu sheegay in 8-da bisha soo socoto ee February u arkayn mid macquul ah, oo doorashadu ku qabsoomi karto.

Wuxuu hoosta ka xariiqay haddii aanay dhicin wax iyaga ka tan wayn, in gelinka dambe ee 8-da February, ay Somaliya yeelan doonto madaxweyne.

Ugu dambeyn, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa Arbacadii loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha.

 

.

.

 

_________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment