3543 Views

Meeqo Musharixiinta ayaa is diiwaan gelisay?

Meeqo Musharixiinta ayaa is diiwaan gelisay?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 28, 2017 –

Muqdisho (Horumar Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ee uu wakhtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud ahna musharax u taagan qabashada xilka Madaxeyne ee Soomaaliya ayaa goordhow is diiwaangaliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehlinayaan Xubno dhowr ah oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa Guddiga doorashooyinka ku wareejiyay lacagta is diiwaangalinta oo dhan 30,000 oo Dollar, sida uu Guddiga sheegay.

Madaxweyne Xasan ayaa is diiwaangalintiisa kadib lasiiyay Shahaadada Caddaynta Murashaxnimo oo ay bixinayeen Guddiga doorashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaya Musharaxii 12-aad ee maanta isdiiwaan geliya, waxaana ka horeeyay 11 Musharax oo iyaguna maanta is diiwaangaliyay.

Guddiga Doorashadda Madaxweynaha u qaabilsan Diiwaangelinta Murashixiinta ayaa hubiyey inay Murashixiinta mid kasta bixiyey Lacagaha is diiwaan gelinta oo dhan 30,000 oo Dollar, ka hor inta aan la wada siinin Shahaadada Caddaynta Murashaxnimo.

Dhinaca kale, Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Jadwalka is diiwaangalinta uu ku socdo sida loogu tallo galay, waxa uuna guddiga sheegay inaan wakhti lagu dari doonin maalmaha loo qabtay Musharaxiinta inay isku diiwaangalinta.

HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARAXIINTA IS DIIWAANGALISAY:

  1. Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  2. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.
  3. Cabdiqaadir Cosoble Cali.
  4. Maxamuud Maxamed Culusow.
  5. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
  6. C/naasir Cabdulle Maxamed.
  7. Bashiir Raagge Shiiraar
  8. Amb. Maxamed Cali Ameeriko
  9. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
  10. Jabriil Ibraahim Cabdulle
  11. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  12. Xasan Sheekh Maxamuud

.

musharax-diiwan-gelin-6musharax-diiwan-gelin-1 musharax-diiwan-gelin-2 musharax-diiwan-gelin-4 musharax-diiwan-gelin-3 musharax-diiwan-gelin-5

.

.

.

Xafiiska Qaranimo Online ee Muqdisho

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment