5580 Views

Tarsan oo ku dhaartay in aan Xasan Sheekh ladooran doonin – Cajiib!

Tarsan oo ku dhaartay in aan Xasan Sheekh ladooran doonin – Cajiib!
____________________________________________________________________________

Wallaahi baan Xasan la dooranayn ee lacagta ha iska heysto

Muqdisho | January 28,2017 – Musharax madaxweyne Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa rajo beel ku riday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud.

Tarsan, ayaa sheegay in sanadkaan dhamaan musharixiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka ay u midoobeen inay xilka ka tuuraan Xasan Sheikh Maxamuud iyo xulafadiisa.

Wuxuu si cad u sheegay in isbaheysiga musharixiinta sanadkaan ay ka mideysan yihiin sidii xilka talada dalka looga wareejin lahaa Xasan Sheikh Maxamuud oo ay aad u dhaliilsan yihiin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wareega ugu dambeeya ee doorashada lagu heshiiyay in musharixiinta ugu codadka badan lagu taageeraa sidii ay usoo bixi lahaayeen.

“Walaahi Baan Xasan Sheikh la dooranayn ee lacagta ha iska heysto, ayaan dhihi lahaa, runta ayaan u sheegayaa Xasan Sheikh, waan u midownay Xasan Sheikh mana la dooranayo”ayuu yiri Tarsan.

Xildhibaanada baarlamaanka ayuu sidoo kale sheegay inay qorshahaasi wax ka wadaan, loona baahan yahay in Xasan Sheikh uusan dhaqaalo iska bixin.

Hadalkaan ayuu tarsan jeediyay xili uu la hadlayay TV-Somali Cable.

.

.

.

____________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment