3279 Views

Video: Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka iyo Soomaalidii la musaafuriyay

Video: Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka iyo Soomaalidii la musaafuriyay
____________________________________________________________________________

Washington | January 28, 2017 – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay Dhalinyaro dhawaan laga soo masaafuriyay Dalka Mareykanka kuwaas oo dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.

DAAWO:

Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in dhallinyaradaasi ay ahaayeen kuwo in mudo ah ku xirnaa Xabsiyada Dalka Mareykanka, islamarkaana ay dalbadeen iyagu in dalkooda dib loogu ciliyo isagoona intaa raaciyay in Safaarada ay u sameysay warqadihii dib loogu celin lahaa.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dhalinyarada si qasab ah looga soo celiyay dalka Mareykanka, isagoon qeexay in aanu u sheegin in aysan ku qanacsaneen in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya taasna ay daliil u tahay in iyagu ay ku qanacsanaayeen.

Wuxuu kaloo shaaca ka qaaday, in dalka uu nabad yahay sidaa darteedna ay kawada hadleen iyaga iyo Dowlada Mareykanka dib u celinta Qaxootiga xili Hay’adda Qaxootiga adduunka ay sheegtay in dalka Soomaaliya aysan xilligan nabad aheyn, qaxootina aan dib loogu celin karin.

.

.

Xafiiska Qaranimo Online ee Muqdisho

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment