5661 Views

Farmajo oo eedeyay madaxda maamul goboleedyada

Farmajo oo eedeyay madaxda maamul goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 30, 2017 – Musharrax Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ku eedeeyay inay ku jiraan ololaha Doorashada madaxweynaha dalka.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay in madax maamul Goboleed qaarkood ay u ololeynayaan Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ugu baaqay inay dhexdhexaad ka noqdaan ololaha Doorashada.

DAAWO:

Mudane Farmaajo oo warkiisu ku socday madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed oo ka dhex muuqday xalay xafladii taageerada Musharax Xasan Sheekh ayaa u sheegay inuu wax ka qabto xaaladda abaareed iyo dhibaatooyinka ka jira maamulkiisa.

Wuxuuna ka codsaday xildhibaanada in ay aad uga fiirsadaan qofka ay ku aaminayaan masiirka umadda Soomaaliyeed, xilligan xasaasiga ee la dooranayo madaxweynaha dalka hogaamin doona 4-sano ee soo socota.

”Waxa na siib daro ah in Qaar ka mid ah Madaxda maamul Goboleedyada ay Shacabka Soomaaliyeed ku qasbayaan Hogaamiye ku fashilmay hogaankii iyo Masuuliyadii Dalka oo aan ognahay meesha uu dalka dhigay Afartii sano oo la soo dhaafay” Ayuu yiri Musharrax madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn, Mudane Farmaajo ayaa dhowaan qaabilaad gaara la yeeshay madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdillaahi Cosoble oo uu ka codsaday inuu ku taageero musharaxnimadiisa. lama oga sababta uu madaxda maamulada dalka ugu diiday inay lug ku yeeshaan doorashada iyadoo aanay jirin wax sharci ah oo ka reebaya, balse ay u madax bannaan yihiin inay danahooda ilaashadaan.

.

.

Xafiiska Qaranimo Online ee Muqdisho

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment