3468 Views

RW Ku-Xigeenka oo Safiirka Jaamacadda Carabta ka gudoomay lacag wax looga qabanayo abaaraha

RW Ku-Xigeenka oo Safiirka Jaamacadda Carabta ka gudoomay lacag wax looga qabanayo abaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 30, 2017 – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran ayaa lacag dhan $91,835 ka gudoomay Safiirka Jaamacadda Carabta Amb Maxamed Cabdalla Idriis.

Mudane Carteh ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo dowladaha Carabta sida ay dadka Soomaaliyeed u garabtaagan yihiin.

“Dowladaha walaalaheena ah ee Carabta waxa aan uga mahad celinayaa sida ay nooga gacansiinayaan wax u qabashada dadka Soomaaliyeed, waa kuwii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba baaqii guddiga uu u jeediyay caalamka; marnaba ma hilmaami doono caawinaadooda oo timid waqti loo baahnaa”.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa dadka Soomaaliyeed u cadeeyay in lacagtani ay ku bixi doonto meeshii loogu tala-galay.

“Waxa aan idiin cadeeynayaa in lacagtan aan gaarsiin doono dadkeena dhiibaateysan, ma dhici doonto in si kale loo isticmaalo, si banaan-yaal ah ayaana u soo bandhigi doonaa qaabka iyo nidaamka kharashaadka loo bixiyo”.

Ugu dambeeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay dadkeena macluushu hayso u tafaxaytaan in ay quudiyaan gargaar degdeg ahna la soo gaaadhaan.

rw-xigeen-carte-abaaraha-6 rw-xigeen-carte-abaaraha-7 rw-xigeen-carte-abaaraha-8 rw-xigeen-carte-abaaraha-4 rw-xigeen-carte-abaaraha-5 rw-xigeen-carte-abaaraha-3 rw-xigeen-carte-abaaraha-1 rw-xigeen-carte-abaaraha-2

.

.

Xafiiska Qaranimo Online ee Muqdisho

____________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment