4032 Views

Waa imisa lacagta kasoo xerootay Musharaxiinta Madaxweyninimo

Waa imisa lacagta kasoo xerootay Musharaxiinta Madaxweyninimo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 30, 2017 – Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay lacagta ay ka qaadeen musharixiinta xilka madaxtinimada Somaliya ee shalay isdiiwaan geliyay.

Dr. Beyle ayaa xusay in doorashada ay waqtigeeda ku dhaceyso sidoo kalena ay maalmaha soo socda ay guddiga qabanayaan shaqada hortaalla oo aan dib u dhac lahayn.

Waxa uu sidoo kale sheegay in lacagta laga qaaday 24-ka Musharrax Madaxweyne oo gaareysa $720,000 oo Doollarka Mareykanka ah ay ku filan tahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Baarlamaanka Somaliya ayaa 50% lacagta laga qaado musharrixiinta madaxtinimada Somaliya u qoondeeyay in  lagu kabo Guddiga Qaran ee Abaaraha.

Dhaqaalaha faraha badan ayaa waxaa laga qaaday Musharaxiin gaaraysa 24 Musharax oo mid waliba uu bixiyay lacag dhan Sodon kun oo doolarka Mareykanka ah.

Maalinta Berri ah ee 31-da Bishan ayuu sheegay Dr. Beyle in Musharrixiinta ay ka qaybgali doonaan dood ka baxeysa Tv-yada dalka.

Ugu dambeyn, Siddeeda Bisha soo socota ee Febraayo ayaa la filayaa in dalka ay si rasmi ah uga dhacdo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

.

.

Xafiiska Qaranimo Online ee Muqdisho

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment