4173 Views

Doodii Musharaxiinta Madaxweynaha oo gabi ahaanba la joojiyay

Doodii Musharaxiinta Madaxweynaha oo gabi ahaanba la joojiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | January 31, 2017 – Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somaliya, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in gebi ahaanba la joojiyay doodii loo qaban lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Wadanka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha, Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle, ayaa u sheegay Warbaahinta in rasmi ah ay Guddigu ka gaareen qabashad doodda.

Wuxuu sheegay maanta inay dalka ka jirtay cilad ku timid dhanka Internet-ka, maadaama qorshaha uu ahaa in Warbaahinta si toos ah looga sii daayo doodda Musharaxiinta.

”Waxaan u aragnay in hadii aan dib u dhigno Dooda oo la qabto mar kale inay taasi qaldi karto Jadwalka loo go’aamiyay habraaca doorashada, sidaa darteed waxaan joojinay doodii Musharaxiinta loo qaban lahaa.” Bayle.

Musharaxiinta qaar ee doodaasi ka qaybgeli lahaa oo siyaabo kala duwan Warbaahinta gudaha u la hadlay, ayaa sheegay in arrimo farsamo ay sababeen joojin doodda.

Si kastaba ha’ahaatee, cilad dhinaca Internet-ka ah, ayaa saakay ka jirtay Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, inkastoo duhurnimadii maanta uu khadka Internet-ka si caadi ah ku soo noqday.

.

.

Xigasho: Horumar Online

________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment