3636 Views

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay go’aankii Donald Trump

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay go’aankii Donald Trump
____________________________________________________________________________

Addis Ababa | January 31, 2017 – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay go’aankii ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo lagu mamnuucay dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya toddobo dal oo muslim ah oo ay Soomaaliya ku jirto.

DHAGEYSO

Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ka hadlay go’aankii ka soo baxay Donald Trump, isagoona xusay in dowladda Soomaaliya ay arrintaasi aad uga xun tahay.

Mr. Hadliye ayaa sheegay in marka uu magaalada Muqdisho ku noqdo ay kawada tashan doonaan madaxda dowladda Soomaaliya, sidii jawaab looga bixin lahaa amarkii ka soo baxay Donald Trump oo aad u saameeyay Soomaalida.

Wasiirka mar uu maanta la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayuu xusay, in ka dowlad ahaan, ay kala siman yihiin dowladaha kale ee uu saameeyay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Sidoo kale, Wasiir Hadliye ayaa wax laga weydiiyay, waxa ay dowladda Soomaaliya ka ogtahay 90-kii qof ee Soomaalida ee laga soo tarxiilay dalka Mareykanka, isagoona sheegay in dalka uu nabad yahay, cid walbana dib loogu soo celin karo.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar oo iminka ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa ka hadlay, sida ay u dhacday doorashada guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika, waxaana maanta ku guuleystay wasiirka arrimaha dibedda ee Chad Mousa Faki Mahamat.

Si kastaba ha’ahaatee, go’aankii qalafsanaa ee ka soo baxay Madaxweyne Donald Trump, ayaa waxaa durba jawaab kulul ka bixiyay dalalka Iiraan iyo Ciraaq. lama sheegi karo sida ay Soomaaliya dhankeeda uga hadli doonto go’aankii Trump oo aad u sameeyay Soomaali badan.

.

.

.

Xafiiska Qaranimo Online ee Muqdisho

____________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment