3861 Views

Olole Nadaafadeed oo Ay iska kaashadeen Maamulka Iyo Shacabka oo Ka bilowday Magaalada Baargaal

Olole Nadaafadeed oo Ay iska kaashadeen Maamulka Iyo Shacabka oo Ka bilowday Magaalada Baargaal
____________________________________________________________________________

Baargaal | January 31, 2017 – Maamulka Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ayaa Olole nadaafadeed oo Balllaaran ka bilaabay magaalada kaasoo kor loogu qaadayo quruxda iyo Bilicda Magaalada.

Ololahan nadaafadeed ayaa,waxaa ka qeybqaadanayey shaqaalaha dowladda hoose, iyadoona shaqada socotay uu goobjoog ka ahaa qayb libaaxna ka qaatay Gudoomiyaha Degmada Baargaal ahna Duqa Magaalada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf

Waxaa sidoo kale door wayn ka qaatay ololha ballaran Xoghaya Degmada Baargaal Siciid cawil Dhuxul , Gudoomiye ku xigeenka Degmada Yuusuf Maxamed xirsi , Taliyaha Cusub ee Police-ka Degmada Baargaal Taliye Muumin Abshir , Taliyaha qaybta ee Gobolka Gardafuu General Maxamed Xirsi Cumar , ururka Hooyooyinka Degmada , ururada dhalinyarada , ciidanka , iyo dhamaan qaybaha Bulshada Baargaal

Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuuusuf ayaa si weyn u boggaadiyey shaqada la bilaabay ee nadaafada oo ka bilaabatay qar kamid ah xaafadaha Baargaal ,wuxuuna amaan u jeediyey shaqaalaha ka qeybqaadanayey ololahan.

Xoghayaha Degmada Baargaal Mudane siciid cawil dhuxul ayaa sheegay iney ku hawlan yihiin ka shaqeynta nadaafada magaalada, asagoo sheegay in ay mar walba diyaar u yihiin sidii ay ugu soo celin lahaayeen magaalada Baargaal Bilicdeedii lagu yiqiinay asagoo si gaar ah u amaanay hooyooyinka Baargaal sida ay isugu soo xil qaameen sidii loo soo celin lahaa Bilicda Magaalada.

Waxgardka iyo bulshada ku shaqan Magaalada Baargaal ayaa si weyn usoo dhaweeyey Ololahan nadaafadeed ee u qaaday maamulka dowladda hoose ee Degmada Baargaal

Maamulka Degmada Baargaal ayaa waxaa ay mudooyinkaan ku dadaalayeen soo celinta bilicda & Quruxdii Magaalada Baargaal iyadoo Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baargaal Maalinba Xaafad si gaar ah loo nadiifinaayo.

baargaal-nadaafad-14 baargaal-nadaafad-11 baargaal-nadaafad-6 baargaal-nadaafad-12 baargaal-nadaafad-13 baargaal-nadaafad-10 baargaal-nadaafad-5 baargaal-nadaafad-1 baargaal-nadaafad-4 baargaal-nadaafad-3 baargaal-nadaafad-2 baargaal-nadaafad-9

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment