3183 Views

Kursigii khilaafka Cadaado oo Cabdulqadir Gaafow loo dhoortay

Kursigii khilaafka Cadaado oo Cabdulqadir Gaafow loo dhoortay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febraury 2, 2017 – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay Xildhibaankii muranka badan dhaliyay kursigiisa Cabdiqaadir Gaafow Maxamuud, oo la dhashay taliyaha nabad sugidda qaranka Jeneral Cabdullahi Gaafow.

Cabduqaadir ayaa ku guuleystay codod gaaraya 50 cod, cododkii guud ee ergada oo gaaraya illaa 50, halka Zakariye Maxamed Cosoble aanuu helin wax cod ah, ka dib markii uu ka tanaasulay doorashada oo ka dhacaysay xarunta guddiga doorashooyinka ee Muqdisho.

Kursigan oo ka mid ahaa kuraastii Galmudug ayaa guddiga doorashooyinku ay sheegeen in sababta Muqdisho loo keenay ay tahay kor joogtada beesha caalamaka oo aaney u soorogelayn iney xaadiraan goobaha qaar.

Kursiga doorashadiisu ay dhacday ayaa ka mid ah 5 kursi oo  horey ay u laaleen guddiga khilaafaadka doorashooyinka heer federaal, golihii madasha qarankuna ay  amreen in doorashadiisa dib loogu noqdo.

Kuraasta Doorashadooda lagu celinaayo ayaa waxaa inta badan kusoo baxay Xildhibaanadii la diiday.

Ilaa iyo hadda ayaa waxaa la doortay Seddex kursi oo kamid ah 5ta kursi ee la diiday doorashadooda.

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment